Baarlamanka Soomaaliya: Maxay tahay sababta la isugu khilaafay xeerkan dembiyada "Galmada"? - BBC News Somali (2024)

Baarlamanka Soomaaliya: Maxay tahay sababta la isugu khilaafay xeerkan dembiyada "Galmada"? - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xildhibaannadagolaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa is hortaagay in la ansixiyo ajandaha kulankoodii sabtidii dhacay ee ku saabsanaa Akhrinta Koobaad ee sharciga dambiyada galmada la xiriira.

Waxay diidmada sabab uga dhigeen in sharcigan iyo ciwaanka uu wataba aanu u qalmin dadka Soomaalida isla markaana uu lid ku yahay dhaqanka iyo diinta Islaamka.

Sharcigan oo ay soo gudbisay xukuumadda ayaa la doonayay in akhrintiisa koobaad la bilaabo ka dibna laga doodo, balse xildhibaannada ayaa ku tilmaamay mid aan u qalmin in laga hadlo.

Magaca sharciga - Ereyga "galmada"

Xildhibaannada ayaa ku doodayay in magaca hindise sharciyeedka uu yahay mid aanan habooneyn oo lid ku ah dhaqanka Soomaalida iyo diinta Islaamka.

Dhanka kale, Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cabdiweli Muudeey ayaa dhankiisa sheegay in sharcigan markii xukuumadda ay u gudbisay Golaha Shacabka ay ka dhalatay dood badan.

Xeerkan wuxuu magaca guud ee jaldigiisa kore yahay "Sharciga Dembiyada Galmada la xidhiidha." Magacii hore ee sharciga wuxuu ahaa "sharciga Jinsiga", sida laga soo xigtay guddoonka Baarlamaanka.

"Magaca laftiisa, hadda meesha waxaa ku qoran sharciga dambiyada galmada la xiriira awel hore waxaa ku qornaa sharciga jinsiga... waxaana nagala rabaa in sharciga uu ahaado mid waafaqsan shareecada islamaaka marka uu inta ka baxayo," ayuu yiri Xildhibaan Muudeey.

Baarlamanka Soomaaliya: Maxay tahay sababta la isugu khilaafay xeerkan dembiyada "Galmada"? - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Getty Images/NurPhoto

Garyaqaan Cabdillahi Sheekh Ismaaciil oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay: "Cinwaanka lagu soo bandhigay ee sharciga uu xambaarsanaa waa mid aan bulshada soomaaliyeed u dhadhameyn iyo xildhibaanada... magac faaxisho ah in baarlamaanka la horkeeno iyadu waxay tahay wax aan dadku u c*ntameynin."

Sharcigaan oo markii hore ay golaha wasiirrada u gudbiyeen baarlamaanka, waxaa wax ka badalay guddiga joogtada ee Baarlamaanka oo la gaashaday culimo iyo aqoonyahanno, sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka golaha shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sharcigan ku tilmaamay mid "ka soo horjeedo dhaqanka iyo diintaba marka la eego sida uu u qoran yahay".

"Haddaan nahay Golihii Shacabka soomaaliyeed, nooma c*ntanto cinwaankan ay ka bilaabaneyso doodda, galmadu wey micno badan tahay wey wajiyo badan tahay," ayuu yiri xildhibaan Dalxa.

"Ereyga galmada waa in uu meesha ka baxaa", ayuu hadalka ku sii daray.

  • Halkee ayey ku dambeyeen kufsiyadii gilgilay quluubta Soomaalida?
  • 'Ninkii damca inuu ku kufsado calaamaddan ku dhaji si ay booliska u gartaan'
  • Dal ay carruurta la iska soo xaaqo ka badan yihiin kuwa dhasha

Sharciga oo ah mid qabyo qoraal ah, waxyaabaha ku xusan ee doodda kulul dhaliyay waxaa ka mid ah - falal dambiyeedka galmada, Xad gudub galmo, Isku day kufsi, Kufsiga, Kufsi wadareed, Dhiiri Gelin Fal Galmo (Jinsi), Addoonsi Galmo (jinsi), Xadgud Masuul, Dalxiis Galmo, Dhoofin Fal Galmo, Adeegsi Maandooriye, Afduubka Ganacsiga Galmada, Ganacsiga Muuqaalada Galmada, Aqoonsiga Dadka Nugul iyo qodobo kale.

Guurka da'yarta

Hay'ado caalami ah, sida Qaramada Midoobeey iyo dad u ololeeya xuquuqda Dadka ayaa walaac ka muujiyay qodobka guurka ka hadlaya ee sharcigan ku xusan.

Qodobkan ayaa dhigaya in in guurka qofka yar uu banaan yahay balse waxaa lagu xiray shuruudda ah in qofkaas lala sugo waqtiga aqal galka.

Sida ku xusan sharciga: "Heshiiska guurka qofka yar shareecada Islaamka waa ku banaan tahay, waxayse qabtaa in wakhtiga aqal galka lala sugo illaa inta qofka yari ka yeelanayo awood uu uga qeyb galo galmada, iyadoo laga feejignaanayo dhibaatada caafimaad ee ku dhici karta,"

"Sidaa derteed lama ogola in loo galmoodo qof aan awood u lahayn galmada, qofkii u galmoodana wuxuu muteysanayaa ciqaabta dhaawac ama Fal xumo oo shareeco ahaan ah 'Tacsiir iwm ah'," waa sida ku xusan sharciga qodobkiisa 26-aad.

Baarlamanka Soomaaliya: Maxay tahay sababta la isugu khilaafay xeerkan dembiyada "Galmada"? - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa qodobkan ka hadashay Qaramada Midoobay iyo iyo beesha caalamka ee Soomaaliya oo muujiyey walaaca ay ka qabaan.

War-saxaafadeed ka soo baxay Qaramada Midoobeey, qeybta u qaabilsan ahweenka waxaa lagu yiri: "Waa walaac wayn in aan ogaanay in Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya uu wado ka doodidda iyo meelmarinta Sharciga Dembiyada Galmada oo ay soo diyaariyeen golaha Wasiirada iyo Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqda dadka iyo ururada u dooda Xuquuqul Insaanka, sannadkii 2019-kii."

UNFPA ayaa sheegtay in aysan taageereyn sharci kasta oo dhibaato ku ah xuquuqda haweenka iyo gabdhaha kaas oo gelin kara halis dheeraad.

"Sidoo kale ma taageereyno xeer aan waafaqsaneyn dhaqanka iyo heerarka caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha", ayaa ku qoran warbixinta Qaramada Midoobeey.

"Dumarka iyo gabdhaha Soomaaliya waxay xaq u leeyihiin in laga difaaco xadgudubyada ku saleysan jinsiyadda iyo dhaqamada dhibaatada dhibaatada leh".

Barta Twitter-ka ee Xafiismka Qaramada Midoobeey ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu qoray: "UN iyo saaxiibbadeed waxay ka walwalsan yihiin in Gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal uu isku deyay gudbinta sharci cusub oo si qoto-dheer u kala daadsan kaas oo ogolaanaya guurka gabdho yaryar kana soo horjeeda xeerarka caalamiga ah".

"Qaramada Midoobeey waxay Golaha Wasiirada u soo jeedineysaa in ay dib u soo celiyaan sharcigii hore ee Dembiyada Galmada".

Baarlamanka Soomaaliya: Maxay tahay sababta la isugu khilaafay xeerkan dembiyada "Galmada"? - BBC News Somali (2024)
Top Articles
A $500M decision is facing the NBA champion Celtics
The Best Free Comic Book Sites and Apps in 2024 - IGN
El Paso Craigs
Watch After Ever Happy 123Movies
Revolve 360 Extend Manual
Ncqa Report Cards
Culver's Flavor Of The Day Little Chute
Fire And Ice Festival Dc
Thothub Alinity
Wall Street Journal Currency Exchange Rates Historical
Bingo Kans Berekenen
Karen Canelon Only
Belle Fourche Landfill
Craigslist Jobs Glens Falls Ny
My Fico Forums
My Big Fat Greek Wedding 3 Showtimes Near Regal Ukiah
Flyover Conservatives
35 Best Anime Waifus Of All Time: The Ultimate Ranking – FandomSpot
Pa Legion Baseball
Hca Florida Middleburg Emergency Reviews
Reasonabiu
[마감]봄나들이 갈때 나만의 스타일을 골라보아요~!마감된이벤트 - dodry
Southern Food Buffet Near Me
Shiftwizard Login Wakemed
How to Learn Brazilian Jiu‐Jitsu: 16 Tips for Beginners
San Diego Cars And Trucks Craigslist
Killing Self Gif
When Is The Next Va Millionaire Raffle 2023
Dead Island 2 im Test: Mit dieser Qualität hätte ich nach neun Jahren nicht gerechnet!
Wo liegt Sendenhorst? Lageplan und Karte
Spn 102 Fmi 16 Dd15
Bdo Passion Of Valtarra
Jami Lafay Gofundme
6030 Topsail Rd, Lady Lake, FL 32159 - MLS G5087027 - Coldwell Banker
12000 Divided By 40
Chatgirlsonline
Costco Gasoline and Sam's Club Fuel Center Gas Savings - Consumer Reports
Acadis Portal Missouri
Snyder Funeral Homes ♥ Tending to Hearts. ♥ Family-owned ...
Dom Tradingview
eCare: Nutzung am PC | BARMER
Networks Guided Reading Activity
Glyph Of The Trusted Steed
Comenity Bank Ann Taylor Loft
5 Pros & Cons of Massage Envy (VS Independent Massage Therapists)
Craigslist Ri Rhode Island
Understanding DeFi The Roles, Tools, Risks, and Rewards of -- Alexandra Damsker -- 2024 -- O'Reilly Media -- 9781098120764 -- 79accdb00af9d0f41d97f44fa7970ff1 -- Annas Archive - Biblioteconomia
Ups Carrier Locations Near Me
The Crew 2 Cheats für PS4, Xbox One und PC ▷➡️
Lakeridge Funeral Home Lubbock Texas Obituaries
Mileage To Walmart
Conan Exiles Rhino Guide - Conan Fanatics
Latest Posts
Article information

Author: Kerri Lueilwitz

Last Updated:

Views: 5784

Rating: 4.7 / 5 (47 voted)

Reviews: 94% of readers found this page helpful

Author information

Name: Kerri Lueilwitz

Birthday: 1992-10-31

Address: Suite 878 3699 Chantelle Roads, Colebury, NC 68599

Phone: +6111989609516

Job: Chief Farming Manager

Hobby: Mycology, Stone skipping, Dowsing, Whittling, Taxidermy, Sand art, Roller skating

Introduction: My name is Kerri Lueilwitz, I am a courageous, gentle, quaint, thankful, outstanding, brave, vast person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.